Post View....

Soomaaliland oo xayiraadii ka qaaday laba TV oo horay u mamnuuceen

0
133

Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliland ayaa Maanta xayiraadii ka qaaday laba Telefeshin oo dhawaan ay deegaanadaas Maamulkaas laga mamnuucay,kadib markii lagu eedeeyay inay ku dhaqaaqeen falal ka hor imaanaya Qaranimada Soomaaliland sida ay hadalka u dhigeen.

Telefshinada ayaa kala ahaa Horyaal iyo Eryal Tv,Waxaana Shir Jaraa’id uu Hargeysa ku qabtay Wasiirka Warfaafinta Soomaaliland Guri Barwaaqo uu ku sheegay in labadaasi tv ay  u fasaxeen Shaqadooda.

Waxaa uu hadalkiisa intaasi ku daray in tani ay timid heshiis dhexmaray Wasaaradda Warfaafinta iyo Maamulayaasha labada Tv,isla markaana hadda kadib wararkooda ay ku baahinayaan Jamhuuriyadda Soomaaliland.

Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliland aya ku wargelisay Maamulayaasha labada Tv ee Horyaal iyo eryal Tv ay Soomaaliland ku sheegaan Jamhuuriyadda Soomaaliland,isla markaana aysan la mid ah Maamulada kale ee dalka ka jira sida Puntland.

Tv-ga Qaranka Soomaaliya ayaa ka mid ahaa Tv-yada Soomaaliland ay sheegtay in deegaanadeeda aan laga daawan Karin,waxaana Xarumaha yar yar ee Anteenooyinka bixiyana kuma yaalla Magalada Hargeysa lagu amray inay ka saaraan Tv-ga Qaranka Soomaaliya,balse taasi maanta aan leys kula soo hadal qaadin.

About Author