Post View....

Madaxweyne Farmaajo iyo Madaxweyne Xaaf oo arrimo badan ka wada hadlay.

0
124

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Madaxtooyada Qaranka ku qaabilay Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Mudane Axmed Ducaale Geelle Xaaf.

Madaxweyne Farmaajo iyo Madaxweyne Xaaf ayaa waxaa ay yeesheen kulan gaar oo looga hadlay arrimo kala duwan iyo arrimo la xiriira dowlad Goboleedka Galmudug.

Sidoo kale waxyaabaha kulankaas u dhexeeyay labada dhinac looga hadlay ayaa waxaa kamid ahaa sidii loo dardargelin lahaa dib u heshiisiinta iyo doorashooyinka Dowlad Goboleedka Galmudug.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa muddo sanad kadib soo gaaray Magaalada Muqdisho,iyadoo siweyn loogu soo dhaweeyay.

Madaxweyne Xaaf ayaa markii uu soo gaaray Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Muqdisho waxaa kusoo dhaweeyay Wasiiro,Xildhibaano ka tirsan labada Golle ee Baarlamaanka iyo xubno kale oo ka tirsan dowladda.

About Author