Post View....

Faahfaahin Qarax ka dhacay Suuqa Bakaaraha

0
130

Qarax ayaa goor dhow ka dhacay Suuqa Bakaaraha gaar ahaan Iridda hore ee Shirkadda Dahabshiil , waxaana ka dhashay Khasaare sidda ay Risaala u xaqiijiyeen goobjoogayaal.

Qaraxa ayaa la sheegay in lagu xiray gaari Qooqan oo ay saarnaayeen Saddex ruux.

Inta la xaqiijiyay Saddex ruux oo mid haweenay tahay ayaa ku dhaawacmay Qaraxa, waxaana goobta gaaray Ciidanka Ammaanka dowladda Soomaaliya.

Dhaawacyadda ayaa lasoo qaaday Isbitaal, waxaana hadda halkaasi howlgallo ka wadda Ciidanka Booliska.

About Author