Post View....

Safiirka Cusub ee Soomaaliya ee Itoobiya oo gaaray Addis Ababa

0
149

Safiirka cusub ee dowladda Soomaaliya u Magacowday dalka Itoobiya ayaa gaaray Magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka itoobiya.

Safiirka cusub ee Soomaaliya ee dalka Itoobiya ayaa loo Magacaabay Eng. C/xakiin C/llaahi Camey oo horay u ansixiyeen Golaha Wasiiradda Xukuumadda Soomaaliya.

Qaar ka mid ah diblomaasiyiinta Soomaaliya ee dalka Itoobiya ayaa kusoo dhaweeyay garoonka diyaaraddaha, waxaana lagu waddaa in maalmaha soo socda uu warqaddiisa aqoonsiga u gudbiyo Madaxweynaha Itoobiya.

C/xakiin Camey oo ahaa Madaxweyne kuxigeenki hore ee Puntland ayaa bishii March ee sanadkan loo magacaabay inuu noqdo Safiir.

Camey ayaa aad u taageersanaa dowladda dhexe ee Soomaaliya taasoo keentay in uu si weyn uga soo horjeesto tilaabooyin ka dhan ahaa dowladda dhexe oo uu qaaday Madaxweyne Gaas.

About Author