Siyaasadda daaha gadaashiisa, waxaa jira xogo badan kuwaasoo la xiriira isbedallo siyaasadeed oo waa weyn dalka iyo dadka Soomaaliyeedna ku leh saameyn aan yareyn.
-Wararka daaha gadaashiisa, waxay sheegayaan in la faafinayo mooshin ka dhan yahay RW Kheyre ayay karkarinayaan taageerayaasha Madaxweyne Farmaajo, iyo dhinacyo ka soo horjeeda Kheyre.
Mooshinkani ayaa salka ku haya in wasiirka koowaad ee xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali uu isku koobay kaligiis awooddii dowladnimo.
-Wararka daaha gadaashiisa, waxay soo warinayaan in madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) inuu warqad codsi ah u qortay dowladda Imaaraadka carabta.
Warqaddani ayaa xambaarsan codsi casuumaad ah oo madaxweynaha uu ku dalbanayo inuu ku tago dalka Imaaraadka Carabta.
Sababtu waxaa weeye, si dhaqaalihii Soomaaliya uu Imaaraadku siin jiray uu dib u billowdo tusaale ahaan kabka miisaaniyadda xukuumadda federaalka, mushaaraadkii ciidanka, qalabayntii madaxtooyada, tababarkii ciidankii Villa Somalia.
Arrintaan baa loo aaneynayaa in Qatar ay buuxin kari waysay booskii Imaaraadka, kaddib khilaafkii Khaliijka ka dhex qarxay bartamihii sanadkii 2017-ka.
-Wararka daaha gadaashiisa, in Dowladda Kenya iyo xildhibaannada Soomaali Kenyaanka ah ay isla meel dhigeen in madaxweyne Axmed Madoobe uu kursiga faarujiyo, arrintaan waxaa loo warinayaa in Axmed uu aqbalay.
Waxaa iminka magaalada Muqdisho ku sugan mid kamid ah wasiirradii ugu muhiimsanaa Jubbaland waana wasiirka amniga Cabdirashiid Xasan Janan.
Socdaalkiisa oo ah mid qarsoodiya ayaa ilwareedyo muhiim ah ay xaqiijinayaan inuu xambaarsan doorashada madaxtinimo ee Kismaayo.
Dhanka kale, Farmaajo iyo Fahad oo dib ka war helay qorshahaan ayaa sameynaya dadaallo ay dib ugu dhigayaan doorashooyinka baarlamaaniga iyo tan madaxweynenimo ee Jubbaland.
Ergayga gaarka ah ee xoghayaha guud ee Jimciyadda Quruumaha ka dhaxeeysa Danjire James Swan, ayaa qorsheynaya inuu isbeddal weyn ku sameeyo siyaasadda dalka ee jahwareerka iyo tag-taagga uu ka jiro.
Swan wuxuu calaamadeystay in booqashooyin uu ku tego xarumaha dowlad goboleedyada shanta ah, isagoo u kuur-galaya sidii uu ku ogaan lahaa kala fikir duwanaanta madaxda Soomaalida ka dhex aloosan.
-Wararka daaha gadaashiisa, in ay si xowli ah ku socoto kala iibsashada hubka, oo ganacsatada, siyaasiyiinta iyo maamulladuba ay ku howlan yihiin.
Qiimaha hubka ayaa meeshii u sarreeysa gaaray gaar ahaan sanadahan dambe.
Waxaa loo sababeynayaa in madaxda Soomaalida ay kala shakisan tahay, maadaama wali aan heshiis isfaham ah laga gaarin kheyraadka iyo awoodaha kale ee la isku heysto sida doorashooyinka soo socda kuwaasoo laga cabsi qabo gacan ka hadal.
Waxaa Qoray: Danjire Maxamed Maxamuud Nuur (Caalim),
aqoonyahan iyo siyaasi ka faallooda arrimaha siyaasadda Soomaaliya
Helsinki, Finland
[email protected]