Guddoomiyaha guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka Qaranka Xaliimo Ismaaciil Ibraahim (Xaliimo Yareey) ayaa maanta hortageysa Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.
Waxaa lagu waddaa inay shaaciso xilliga rasmiga ah ay dhici doonto doorashadda Soomaaliya, maadaama Xildhibaanada ay ansixiyeen Sharciga doorashooyinka Qaranka.
Wararka qaar ayaa sheegaya in laga yaabo in maanta Gudoomiyaha ay ka cudur daarato inay hortagto xildhibaanada Golaha Shacabka.
Dhanka kale waxaa jira wararka sheegaya in Guddiga doorashooyinka Qaranka laga codsaday in dib loo dhigo hadal jeedinteeda ilaa uu ka furmayo Shirka Madaxda maamul goboleedyadda iyo dowladda dhexe ee Soomaaliya.