Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni oo faahfaahin ka bixinayay kulamo labada maamul uga socda Magaalada Gaalkacyo ayaa sheegay in ay ka wada shaqeyn doonaan Ammaanka Magaalada Gaalkacyo.
Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa sheegay in labada maamul ay yeelan doonaan iskaashi weyn oo ku aadan dagaalka ururka Al-Shabaab.
Waxaa uu sheegay in Galmudug ay kala wada shaqeyn doonaan sidii Al-Shabaab looga saari lahaa degaanada ay ku sugan yihiin, islamarkaana wada shaqeyn buuxda ay dhexmari doonto labadda dhinac.
Madaxweyne Saciid Deni ayaa sheegay in amniga Magaalada Gaalkacyo laga sameeyay horumar weyn tan iyo markii laga bilaabay howlgal uu garwadeen ka yahay Wasiirka Amniga Galmudug Axmed Macalin Fiqi.
Dhanka kale Ciidamada maamulada Galmudug iyo Puntland ayaa maalmihii la soo dhaafay howlgallo ay ka sameeyeen Gaalkacyo ku soo qabtay in ka badan 20 ruux oo ay sheegeen inay xiriir la haayeen ururka Al-Shabaab.