Madaxweynaha Somaliland Wuxuu Shacabka Iyo Dawladda DJabuuti Ku Hambalyeeyey 43-guurada ka soo Wareegtay Maalintii ay Gobonnimada Qaateen.
Mudane Muuse Biixi Cabdi, Madaxweynaha Somaliland isagoo ku hadlaaya magaciisa iyo ka shacbiga Somaliland, waxa uu dhambaal hambalyo ah u diray dawladda Jamhuuriyada Jabuuti oo ay ku beegan tahay Xuska sannad guurada 43-aad ee kasoo wareegtay markii uu dalkaasi xorriyaddiisa ka qaatay waddanka Faransiiska 27-kii bishii Lixaad (June) sanadkii 1977-kii.
Wuxuu Madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi shacabweynaha iyo Dawladda dalka Jamhuuriyadda Jabuuti ku bogaadiyey xuska sannad-guurada xorriyadooda oo ay u dabaaldegayaan, innagoo ah laba dal oo jaar ah oo aad isugu dhaw haddana labadeennii maalmood ee xorriyadduna isku xigaan, waxa uu u rajaynayaa inay ku gaadhaan sannadkaa sannadkiisa horumar, bash-bash iyo barwaaqo.
“Madaxweynuhu wuxuu mar labaad iyo mar saddexaadba ku hambalyaynayaa shacbiga iyo Dawladda Jabuuti xornimada iyo horumarka 43-tan jirsaday ee ay u dabaal-degayaan, waxanu u rajeynaya inay sanadkan kiisa ku gaadhaan wadajir iyo horumar.” ayaa lagu yiri War kasoo baxay Madaxtooyada Somaliland.