Post View....

Madaxweynaha Somaliya iyo Boqorka Urdun oo ku kulmay Magaalada New York ee Dalka Mareykanka.

0
183

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xarunta Qaramada Midoobay ee New York kulan kula yeeshay, Boqorka dalkaasi Urdun Boqor Cabdala Binu Xuseen.

Madaxweyne Xasan Sheikh ayaa boqorka Urdun uga warbixiyey xaalada Soomaaliya iyo isbedellada dhanka amaanka, dhaqaalaha iyo horumarinta ee ay dowladiisu ku howlantahay, isagoo sheegay in ay ka go’antahay xasilnta dalka iyo dagaalka lagula jiro kooxda Al-Shabaab.

Labada Hoggaamiye ayaaisla soo qaaday xoojinta xiriirka labada dal ee, iyagoo ku ballamay in ay labada dowladood ay u xilsaaraan diblumaasiyiin ka sii shaqeeya qorsheyaasha xiriirka iyo iskaashiga labada ee dhinacyada amniga iyo xasiloonida.

Madaxweyne Xasan Sheikh oo ku sugan New York ayaa kulan doceedyo la qaadanaya mas’uuliyiin ka kala socota dowladaha caalamka, isagoo kala shiraya xaaladda hadda ee dalka iyo xiriirka Soomaaliya ay la leedahay dowladah kale ee caalamka.

About Author