Post View....

XOG: Villa Somalia Oo Kala Qeybineys Ciidanka Xoogga Dalka

0
132

Hoggaamiyaha Wadajir, C/raxmaan C/shakuur Warsame ayaa shaaciyey xog uu sheegay in uu ka helay Villa Somalia, taasi oo ku saabsan in la kala qeybiyo ciidanka xoogga dalka.

Ciidamada ayuu sheegay in Labo loo kala qeybinayo, kuwa taageersan Madaxweynaha iyo kuwo aan taageersaneen.

“Waxaan xog sugan ku helaynaa in Ciidanka Xoogga Dalka (CXD) loo kala qeybinayo kuwo daacad u ah madaxweynaha xilkiisa dhamaaday iyo kuwo shaki laga qabo. Taliyaha ciidanka Generaal Odawaa iyo taliyaha ciidanka lugta Gen. Biixi ayaa shaqadaas ku hawlan.”

“Ciidanka lagu tuhunsan yahay in aysan daacadda aheyn ayaa loo dirayaa furamaha dagaalka ee kooxaha argagexisada, halka kuwa la hubiyey daacadnimadooda loo diyaarinayo boobka doorashooyinka iyo weerarro lagu qaado siyaasiyiinta mucaaradka.

“Waxaan uga digeynaa taliyaha ciidanka in uusan horseedin burburka ciidanka, kana saaro ku milanka siyaasada, waana in uu ogaadaa in waa lay amray aysan luquntiisa ka saari doonin danbiyada uu galo”

Ma jirto ilo kale oo madaxbanaan oo arrinta uu sheegayo C/raxmaan C/shakuur sii xaqiijin karta, hase ahaatee dowladda ayaa maalmahan dambe wadda isku habeyn dhanka ciidamada ah.

 

About Author