Madaxweynaha Dowladda Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa Arbaca maanta ah qaaday kaar codbixinta Dalkaasi maadaama dalku u diyaar garoobayo doorashada guud oo 4 sanaba mar la qabto.
Qoraal ka soo baxay madaxtooyada Jabuuti ayaa lagu yiri ”Madaxweynaha Jamhuuriyadda Mudane Ismacil Cumar Geele ayaa Arbacadii ka qaatay kaarkiisa doorashada Jabuuti”.
“Madaxa Qaranku wuxuu si farxad leh u sameeyay talaabadaan si uu ugu dhiirrigeliyo muwaadiniinteenna in ay sidaas oo kale sameeyaan oo ay sidaa ula jaan qaadaan” ayaa la raaciyay qoraalka Madaxtooyada Jabuuti.
“Waxa kale oo aan shaki ku jirin in rabitaankiisa ah inuu shaqsiyan kala noqdo kaarkiisa codbixinta, Madaxweyne Geelle wuxuu muujinayaa sida ay uga go’an tahay iyo go’aankiisa ah inuu sii xoojiyo ku dhaqanka dimuqraadiyada dalkeena” ayaa lagu soo xiray qoraalka Madaxtooyada.
Jabuuti ayaa isku diyaarinaysa doorashada guud ee dalkaasi, waxaana u tartamaya laba musharax, waxaana la sii saadaalinayaa in uu ku guulaysan doono madaxweynaha Jabuuti ee hada Ismaaciil Cumar Geelle.