Post View....

XOG: Sumeyn iyo Khaarijin is barbar socoda

0
120

ila xog ogaal ah ayaa sheegaya in bilihii lasoo dhaafey dalka Soomaaliya soo gaartey sun khatar ah oo sirdoonada halista ah isticmaalaan taas oo lagu magacaabo RICIN.

Suntan ayaa lasheegey in loo isticmaalikaro habab kala duwan sida, in lagu duro qofka, cuntada loogu daro iyo weliba in la ursiiyo qofka ayadoo sida perfum-ka loo adeegsanaayo. xogo soo baxaya ayaa muujinaya in lasumeeyey masuuliyiin uu kamid ahaa Ugaas Xasan Ugaas Khaliif, Adan Coombe,

Madaxweynihii hore Cali Mahdi maxamed,Daahir Maxamuud Geelle iyo Caalimkii weynaa Sheekh Nuur Baaruud Gurxan waxaana xogtu sheegeysaa in uu ka danbeeyey Cabdulahi Dheere Teliyaha Dabagalka oo aad ugu dhow Teliyaha NISA Fahad Yaasiin iyo madaxweyne Farmaajo. dhanka kale Teliyaha Dabagalka Ayaa lasheegey in uu beegsi gaar ah ku hayo siyaasiyiinta ka aragtida duwan Madaxweynaha Xilkiisu dhamaadey Maxamed Cabdullahi Farmaajo.

Masuulkan ayaa lagu eedeyey in bixiyey amarkii lagu weerarey hotel Maaida xilli ay kusugnaayeen Madaxweyniyaashii Hore Sh. Shariif iyo Xasan Sheekh si ay ugu qeyb galaan Dibadbax Nabadeed oo lagu wadey in uu ka dhaco fagaaraha Daljirka Daahsoon.

Ciidanka ilaalada Shacabka ee Hootaga Teliyaha Dabagalka ayaa larumeysanyahay in ay isku dayeen in ay khaarijiyaan Raisul wasaarihii Hore Xasan Cali Kheyre iyo Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo hor kacayey Dibadbax Nabadeed, ayagoo si dirqi ah ugu bedbaadey rasaas ooda looga qaadey xilli ay marayeen wadada udhaxeysa KM4 iyo Gegida diyaaradaha Adan Cade.

Teliyaha Dabagalka ayaa lasheegey in uu u qeybiyey Dagaalyahano katirsanaa Alshabaab kudhowaad 40 bistoolad kuwaas maalmo kahor soo gaarey magaalada muqdisho.

Xog hoose ayaa tilmaameysa in ragan beegsan doonaan xubno sar sare oo katirsan Midowga murashaxiinta iyo howlwadeenada ku agdhow. kooxdan lahubeeyey ayaa lagu soo waramayaa in loo diyaariyey baasabooradooda waxaana loo balan qaadey qofkii fuliya Howlgalka loo direy in toos looga soori doono dalka isla markaana lasiin doona lacag kufilan.

Hay`ahada caalamiga ah ee kusugan xalane ayaa lasheegey in lagaarsiiyey warqad cabasho ah taas oo katimid midowga musharaxiinta. madaxda ka aragtida duwan Dowlada Soomaaliya ayaa lasheegey in ay halis ugu jiraan in lasumeeyo iyo in lakhaarijiyo.

About Author