Post View....

Meydka Madaxweynihii hore Cali Mahdi oo laga soo dejiyay garoonka diyaaradaha Adan Cadde

0
117

Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde Magaalada Muqdisho ayaa goordhow waxaa laga soo dejiyay meydka Allaha u naxariistee Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Cali Mahdi oo laga keenay magaalada Nairobi ee dalka Kenya oo uu ku geeriyooday.

Garoonka Aadan Cadde ayaa waxaa ku sugnaa madax badan oo ka tirsan dowlada federalka, Guddiga qabanqaabada Aaska Cali Mahdi iyo boqolaal shacab ah kuwaasi oo Meydka ku sugayay garoonka diyaaradaha.

Waxaa goobjoog ku ah garoonka diyaaradaha magaalad Muqdisho madaxda dowlada federalka,midowga musharaxiinta iyadoo maanta labada dhinac ay isaga mid yihiin murugada geerida Cali Mahdi Maxamed.

Aas heer qaran ah ayaa magaalada Muqdisho loogu sameeyn doonaa Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Cali Mahdi iyadoo lagu aasi doono degmada Yaaqshiid ee magaalada Muqdisho.

Allaha u naxariistee madaxweynihii hore ee Soomaaliya Cali Mahdi Maxamed ayaa ugu geeriyooday cudurka Covid 19 magaalada Nairobi sida ay xaqiijiyeen qoyskiisa.

 

About Author