Ilo xog ogaal ah ayaa inoo xaqiijiyay in madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland oo hadda deegaansanaya guryo ku yaalo gudaha xarunta Xalane ay ka cabsadeen inuu sumeeyo ama u qorsheeyo dil madaxweynaha muddo xilleedkiisa dhammaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Axmed Madoobe iyo siciid C/llaahi Deni ayaa Muqdisho u jooga ka qeyb galka shirka lagu dhammeystirayo heshiiska Doorasho kaas oo dhawaan ka furmaya Xerada Afisyooni, halkaas oo kal hore lagu qabtay Doorashadii 8-february ku soo baxay madaxweynaha iminka tallada haya.

Labadan madaxweyne oo si aad ah u dhaliilsan hanaanka shaqo ee Villa Soomaaliya ayaa dhowr jeer ka biyo diiday shir uu ugu yeeray madaxweyne Farmaajo, balse shuruud adag ku xiray, waxayna hadda ku yimaado go’aanka Beesha caalamka, sidoo kale, iyagoo u baqaya amnigooda ayay degeen gudaha Garoonka Aadan cadde ee magaalasa Muqdisho.

Waxayna u baqeen xaaladooda amni, sida ilo xog ogaal ah oo ku dhow labada madaxweyne inoo sheegeen.

Madaxweyne Farmaajo ayaa bilihii u dambeeyay qaaday tallaabo Militari oo uu ugu awood sheeganayo mucaaradka gaar ahaan midowga musharaxiinta oo qaban qaabinayay banaanbax lagu doonayo doorasho.