Post View....

Wasaaradda Tamarta Koofur Galbeed oo biyo dhaamin u sameysay barakacyaasha Xuddur.

0
132

Xuddur:-Xilli maanta ay ku beegan tahay 22 Maarso oo ah maalinta biyaha caalamka ayaa Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka biyaha ee Dowlad goboleedka Koofur Galbeed waxaa ay maanta biyo dhaamin u sameeyeen barakacyaasha ku nool magaalada Xuddur ee xarunta gobolka Bakool.

Sidoo kale, waxaa loo qeybisay barakacyaasha ku nool magaalada Xuddur ee xarunta gobolka Bakool, agabka nadaafadda loo adeegsado sida, Saabuun iyo afxirka maadaama uu jiro safmarka COVID-19.

Liibaan Cabdulaahi Axmed, oo ah agaasimaha waaxda biyaha, ayaa sheegay in ka wasaarad ahaan ay ka go’an tahay in bulshada laga haqab-tiro baahida biyo ee ka jirta degmada Xuddur.

Wasaaradda waxaa biyo dhaaminta ka gacan siiyay hey’adaha samafalka ee ka shaqeeya arrimaha fayadhowrka ee gobolka ku sugan.

About Author