Magaalada Muqdisho waxaa maanta lagu wadaa inuu ka furmo shir muhiim ah oo looga arrinsanayo doorashada xilligeedii dhaaftay.

Madaxda maamul goboleedyada ayaa imika dhammaantood ku sugan magaalada Muqdisho ee xarunta Soomaaliya.

Madaxweynaha Puntland oo shalay waraysi siiyay BBC ayaa sheegay in aanu war u hayn kulanka maanta, inkastoo illaa iyo xalay ay socdeen dedaallo lagu xaqiijinayo in shirka uu maanta furmo.

Amniga shirka

Qaar ka mid ah madaxda maamul goboleedyada ayaa walaac ka muujiyay ammaanka goobta uu shirk ka dhacayo.