Post View....

Wararkii ugu dambeeyey geerida Cali Mahdi Max’ed iyo Taariikh nololeedkiisa

0
116

Madaxweynahii Soomaaliya Cali Mahdi Maxamed ayaa caawa ku geeriyoodey isbitaal ku yaalla magaalada Nairobi ee dalka Kenya isagoo 82 jir ahaa sida ay xaqiijiyeen xubno ka tirsan qoyskiisa.

Geerida Cali Mahdi oo aheyd mid lama filaan ah ayey wararku sheegayaan iney sabab u aheyd xanuuno aan la sheegin oo la dersay mudooyinkan.

Siyaasiyiin iyo xubno kala duwan ayaa ka tacsiyadeeyey geerida marxuumka, kuwaasoo uu ka mid ahaa Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Shiikh Axmed oo ah Guddoomiyaha  Midowga murashixiinta

Shiikh Shariif ayaa ka tacsiyeeyay geerida Marxuumka, waxaana uu xusay doorkii uu ka qaatay Dowladnimada Soomaaliya, waxaana sheegay in dalka uu u soo shaqeeyey xilli adag isagoo qayb ka qaatay shirar badan oo dib u heshiisiineed oo Soomaalida gudaha iyo banaankaba loogu qabtay.

Cali Mahdi waxaa uu ku dhashay magaalada Jowhar sanadkii 1939-kii, waxaana uu siyaasadda ka hor ahaa ganacsade.

Cali Mahdi oo ka mid ahaa maalgeliyeyaaha Jabhadii USC ee xukunka ka tuurtay dowladii milateriga aheyd ee uu hogaaminayey marxuum Jen. Maxamed Siyaad Barre waxaa Muqdisho Madaxweyne loogu doortay 29-kii January 1991-dii.

Shirar kale oo dib u heshiisiin oo ka dhacay Djibouti 5–1 June 1991 iyo shirkii July oo ay ka qeyb galeen USC, SPM, SDM iyo SSDF iskana diiday SNM ayaa mar kale loo doortay Madaxweyne muddo 2 sano iyadoo la dhaariyey August 18,1991.

Cali Mahdi waxay isku dhaceen Jen. Maxamed Faarax Caydiid oo ka mid ahaa saraakiishii horkaceysay Jabhadii USC taasoo keentay dagaalkii caanka ahaa ee bilowday November 17, 1991, dagaalkaasoo loo yaqaan afarta bilood, keliya kuma burburin dowladnimo ee waxaa ka dhashay dhimashada dad gaaraya kumanaan qof halka boqolaal kun oo qofna ay ka qaxeen dalka.

Mahdi iyo Caydiid waxaa ay loolamayeen ilaa Caydiid la dilay August 1996-dii iyadoo Cali Mahdi ugu dambeyntii ogolaaday inuu tanasulo January 3, 1997 shirkii Soodare ee ka dhacay Itoobiya.

Sanadkii 2,000 shirkii dib u heshiisiinta ee ka dhacay Djibouti ayaa waxaa doorashada uga adkaaday Cabdi Qaasim Salaad, xilligaas kadib waxaa uu ahaa odey ka shaqeeya nabadda.

About Author