Cali Mahdi Maxamed, oo ahaa madaxweynihii hore ee Soomaaliya, ayaa galinkii dmabe ee maanta ku geeriyooday isbitaal ku yaalla magaalada Nairobi ee dalka Kenya.
Xubno ka tirsan qoyskiisa ayaa u xaqiijiyay geeridiisa, sida ay shaacisay wakaaladda wararka soomaaliya ee SONA.
Wararka qaar ayaa sheegaya in maalmo ka hor xanuunka Covid-19 loo dhigay isbitalaka Nairobi.
Waxaa isasoo taraya farriimaha ay Siyaasiyiinta Soomaalida uga tacsiyeynayaan geeridiisa.
Cali Mahdi wuxuu xilka madaxweynaha qabtay kaddib burburkii dowladdii dhexe ee Soomaaliya, 1991-kii.
Mar kale ayaa loo aqoonsaday in uu xilkaas sii hayo, waxaana ugu dambeyn sanadkii 2000 baddalay Cabdiqaasim Salaad Xasan.
Dhanka kale Bahda Websetka Somaliweyn oo isku duuban waxay ka tacsiyeenayaan Geeri Madaxweynihii Hore, iyagoo Alle uga baryay inuu Janadiisa ka waraabiyo , Qoyskiisa iyo Ummadda Soomaaliyeedna uu ka geeriyooday Marxuumka, Alle ha u naxariisto Aamiin Aamiin.