Post View....

War Deg Deg ah: Hoobiyeyaal lagu garaacay Xarunta Xalane.

0
114

Tiro hoobiyeyaal ah ayaa ku dhacay xarunta Xalane oo ah saldhiga ugu weyn Ciidanka AMISOM iyo xubnaha beesha Caalamka.

Qaar ka mid ah dadka ku sugan Agagaarka xarunta Xalane ayaa sheegay in ay maqlayeen daryanka Madaafiic oo laga tuuray degmooyin ka mid ah Muqdisho, ku dhawaad Shan hoobiye ayaa ku dhacday xarunta.

Weerarkaan ayaa ku soo aadaya xilli teendhada Afesiyone oo ku dhow xarunta Xalane lagu waddo in lagu qabto shirka Dowlada Federalka,maamul goboleedyada iyo gobolka Banaadir.

Kulankaan ayaa ah mid ay soo qabanqaabisay beesha Caalamka ka dib markii ay ku fashilantay dowladda dhexe.

About Author