Post View....

Clubhouse: Walwalka dhanka amniga xogta ee ka jirto bartan ku cusub bulshada Internet-ka

0
111

Barta laga qabto doodaha codadka ah ee Clubhouse, waxay xaqiijiyeen in qof ka mid ah dadka isticmaala oo awood u yeeshay in uu wax ka soo baahiyo dhanka website-kooda.

Bartan waxay dadka isticmaala ku qabsan karaan doodo iyo wadahadallo cod ah – si gaar iyo si guudba – waa cod toos ah oo aan la duubi karin.

Baarayaasha dhanka amniga ee internet-ka waxay sheegayaan in ay heleen in qof ka mid ah dadka isticmaala barta uu codadka dhowr qolal uu toos uga daaray meel kale, dhammaadkii bishii la soo dhaafay.

Clubhouse ayaa xaqiijisay arrintaas, waxayna arrinta dhacday mar xog laga soo daayay goob aan la ogoleyn in qof kasta uu galo.