Post View....

Wafdiga Somalia ku metelaya dacwada Badda oo la kulmay Mr. Philippe Gautier

0
122

Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka Suleymaan Maxamed Maxamuud ayaa sheegay in Ergeda Dalkeenna uga qayb galeysay Maxkamadda Caddaaladda Aduunka ee uu hoggaaminayey Ra’iisul Wasaare ku Xigeenka Mudane Mahdi Maxamed Guuleed ayaa kulan la qaatay Kaaliyaha Sare ee Maxkamada Caddaaladda Adduunka Mr. Philippe Gautier.

Kulankan ayaa ku saleysnaa dhammaystirka diyaar garowga soo bandhigidda garnaqsiga Soomaaliye ee ku aaddan dacwadda.

Xeer ilaaliyaha Guud ee Qaranka Mudane Sulaymaan Maxamed Maxamuud oo warbaahinta la hadlay ayaa ka warbixiyey kulankii maanta ay la yeesheen Maxkamadda Caddaaladda Adduunka, isaga oo tilmaamay in Dowladda Soomaaliya ay si buuxda ugu diyaar garowday soo bandhigidda dacwaddeeda oo socon doonta inta u dhaxaysa 15-24 bishan Maarso.

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay ku kalsoontahay xaq-ahaanshaha gal dacwadeedkeeda iyo qareennada sharciyeed ee ku matalaya dacwaddan ay garwadeenka ka tahay Maxkamadda Caalamiga ah ee Caddaaladda.

15ka bishan ayaa la filayaa in dhegeysiga dacwada badda Somalia iyo Kenya ay ka bilaabato xarunta Maxkamada caalamiga ah ee ICJ oo ku taalla magaalada Hague ee dalka Holand.

About Author