Madaxweynaha Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam, ayaa galabta hoyigiisa magaalada Muqdisho ku qaabiley Danjiraha cusub ee Dowlada ingiriiska u qaabilsan Soomaaliya Marwo Kate Foster.
Madaxweynaha iyo Safiirka ayaa isbarasho iyo soo dhaweyn kadib kawada hadley xaalada siyaasasadeed ee dalka, arrimaha doorashada iyo shirka la filayo in uu dhawaan ka qabsoomo magaalada Muqdisho si xal rasmi ah looga gaaro arrimaha doorashada dalka.
Sidoo kale Axmed Madoobe iyo Safiirka ayaa ka wada hadley sidii gurmad loogu fidin lahaa dadka iyo duunyada abaartu saameysey ee gobolka Gedo iyo deegaanada kale ee Jubbaland.