Post View....

Waa Maxay NISA, Haramcad iyo Gorgor?

0
141

Wadanka waxaa hore uga jiri Jiray Heyad Caburineed oo la dhihi jiray NSS ( National Security Service). Waxa la asaasay 8/1/1970 ma aheyn mid waafaqsan Dastuurkii hore ee Dalka ,waxaa lagu Bilaabay 18 waaxood kadibna waa sii fiday. Waxa ey aheyd in sideedii hore ey noqoto qeyb ka mid ah Police – ka, Laakin si Sharci daro ah ayaa loo madax baneeyay si ey ugu shaqeyso Sharci L.54 soona baxay 10/9/ 1970 Sharcigaa oo kuligii xakumayay Dil iyo Xabsi Daa’im, ahaana Sharci ka hor imaanayo Shuruucdii hore ee Dalka eyna ku shaqeyso Maxkamadii Badbaada Dalka oo Lafteedu aheyd Maxkamad aan Dastuuri aheyn, waxaana loo sameeyay NSS -ta Astaan u gaar ah.( F.S: 1aad) Markii ey Burburtay Dowladii ey u shaqeynayay NSS iyadiina waa Burburtay ileyn ma aheyn Markii Horeba Ciidan Sharci ku dhisan.
Muddo aheyd 23 Sanno kadib, Bishii Janayo 2013 ayaa la dhisay NISA (Somali Intelligence & Security Agency). waxaa la siiyay Astaan ka Duwan tii hore. ( F.S: 2aad).
Bacdamaa tii hore la ogaa in ey Sharci daro aheyd Dambiyana lagu soo oogi karay.
Madaxdii Dalka wixii ka dambeeyay 2013 Ma ogolaan in NISA ey Dikareeto ku soo saaraan, in kasta oo Lagula taliyay, waxa ey Dareemayeen in ey tahay heyad aan Magaceedu ku jirin Ciidamadda Qaranka ee Dastuurku sheegayo, Baarlamaankuna uuna Ansixin Doonin magacaabideeda.
FG: (illaa hadda ma arag Dekareeto lagu magacaabay heyadaan cusub ee NISA ama meel Baarlamaanku ku ansixiyay, Haddaad aragtay Fadlan, nala wadaag).
NSS waxaa loo sameeyay heyado kale oo caburineed oo aan sharci aheyn oo ka caawiyo Howlaheeda Sida: Ciidankii Koofiya Casta, Hangash, Dhabar jabin, Salaan sharaf iyo Guulwadayaasha, Iwm. kuwaa Dhamaantood waxa ey la baaba’een NSS, ileyn markoodii Horeba ma aheyn Ciidan Sharci ahaan jiray .
NISA waxaa iyadana lala abuuray Ciidamo Cusub oo aan Magacoodu ka muuqan Dastuurka Sida: Xooggaga Wadaniyiinta, Haramcad, oo police ah ( F.S: 3aad) iyo Gorgor(F.S: 4aad) oo Xooga Dalka ah in kasta oo eynan Gorgor joogin Xuduudda Dalka.
Dadkii Madaxda u soo noqday NISA, Badanaa, kuma jirin Dad hore uga tirsanaa Ciidanka police-ka oo Aqoon u leh Sharciyada Nabad sugidda. waxa ey u badnaayeen Dad Shibil ah ama Saraakiil laga keenay qeybaha kale ee Ciidamada. Ogoow Danab waa Ciidan Hore u jiray Lamana Baabi’in Kacaankii kadib, Sababta oo ah waxa ey ka mid ahaayeen Ciidankii hore u jiray ilaa Dowladihii Shibilka waana Dastuuri Danab, Laakin kuma kici karaan fal ka baxsan kan Sharcigu siiyay.(F.S: 5-7aad).
Hadaba ogow, Ciidamadan aan Dastuuriga aheyn ee Magacyada Qurxoon la siiyay, Ma ahan Magacu in uu ku siinayo awood uunan Sharcigu ku siin, Meeqa Haramcad ayaa Quwad ka adagi eryatay, (F.S: 8-9aad) Meeqa Gorgor ayaa Noloshoodu ku dhameeystay Xabsi ama u geeriyooday khalad ey galeen.(F.S:10-11aad).
Haramcadoow Ha hurdin, hana noqon Mid aan Sharciga ilaalin ( F.S: 12aad). Haramcad iyo Gorgor waxa ey Qurxan yihiin marka ey Sharciga Dhowrayaan ( F.S: 13aad) Noqo Ciidanka Dalka Somaliyeed ( F.S: 14aad).
Xooga Dalku waxa ey ahaayeen Ciidamo Sharaf leh, oo Dadku markii ey waddada marayaan ey ku Farxaan, Qof kastana uu jeclaa in uu ku biiro Ciidanka ama uu ka tirsanaado Qoys Ciidan ah, Haddii Qofku uu dhib la kulmu waxa uu u soo ordi jiray halka Ciidanku joogo.waa Markii ey Sharciga ku dhaqmayeen oo ey sharfta lahaayeen.
Markii Dambe, oo ey noqdeen Ciidan u shaqeyo Koox ama Shakhsi oo aan Sharciga dhowreyn, waxa dhacday in ey Dadku ka cararaan kuwaa oo Qafaalayay .ilaa markii Dambe Ciidanka laftiisu uu ka cararay Xeryahiisii isaga oo ka baxsanayo isla Dowladii uu u shaqeynayay.
waxaan u rajeynayaa Ciidamada Guul iyo in ey Sharciga ilaaliyaan.
F.G: wixii iga khaldan ka sax, wixii ka dhimanna ku dar. Mahadsanid.
Qore: Yahya Amir