Post View....

Dibadbaxyo Gilgilay Dalka Turkiga.

0
125

Kumanaan qof ayaa ka qeygbalay dibadbaxyo ka socda dalka Turkiga kaas oo looga soo horjeedo go’aankii dowladda Turkiga ay kaga baxday heshiis caalami ah oo ka shaqeynayay ilaalinta xuquuqda dumarka.

Waxaana dibadbaxyadan garwadeen ka ah dumarka oo gebi ahaanba ka soo horjeedo tallaabada Turkiga.

Dadka banaanbaxyada dhigaya waxay ku qeylinayeen ereyo ay kamid yihiin ‘Caddaalad, sharci iyo xuquuq’

Golaha xuquuqul insaanka ee Yurub ayaa dhaleeceeyay tallaabada uu Turkiga kaga baxay heshiiska.

Xoghayaha guud ee golahan ayaa ku tilmaantay go’aanka Turkiga mid dhibaato kenayo isla markaana aanan la aqbali karin.

Heshiiska Istanbul ayaa waxaa ku xusan xeerar ka shaqeynaya xuquuqda dumarka gaar ahaan in wax tacaddi ah aanan loo geysan karin iyo kufsigaba.

Muxaafidiinta Turkiga ayaa ku dooday in heshiiska uu kasoo horjeedo qiyamka qoyska halka wasiir ka tirsan dowladda Turkiga uu ku dooday in dastuurka dalkaas uu si waafi ah uga falcelinayo xuquuqda dumarka.

Balse mucaaradka ayaa sheegay in ka bixidda heshiiska uu yahay mid ka dhan ah nolosha dumarka.

Dumarka Turkiga ayaa in muddo ah banaanbax ay kaga soo horjeedaan arrintani ka dhigayay waddooyinka dalkaas tan iyo markii dowladda uu hoggaamiyo madaxweyne Erdogan ay soo jeedisay in heshiiska laga baxo.

About Author