Post View....

Somaliland oo shaacisay kiisas hor leh oo ku saabsan cudurka Covid-19

0
151

Wasaaradda caafimaadka ee Jamhuuriyadda iskeed ugu dhawaaqday madax bannaanida ee Soomaliland ayaa sheegtay in 24-tii saac ee u dambeysay cudurka Covid-19 laga helay dad gaarayo 93 qof halka guud ahaan tirada dadka u dhintay cudurka ay gaarayaan 118 qof.

Somaliland ayaa sheegtay in labadii bilood ee la soo dhaafay uu dad badan soo ritay xanuunka Covid-19 oo mawjadii labaad ah.

Wasaaradda caafimaadka ayaa sheegtay in hadda ay xooga saareyso wacyigelinta iyo qaababka kale ee looga hortagayo faafidda cudurka haddii loo baahdana ay soo rogi doonaan tallaabooyin dheeraad ah.

About Author