
Xaalad adag oo bani’aadannimo ayaa laga soo sheegayaa xero dad soo barakacay ay ku nool yihiin oo ku taal magaalada Diridhaba ee dalka Itoobiya.
Dadkan oo dhowr sano ka hor ka soo cararay colaad u dhexaysay Soomaalida iyo Oromada ayaa sheegay in gaajada ka jirta xerada ay ku nool yihiin ay jiraan dad u dhintay.
Caydaruus Yuusuf Cismaan oo ku nool xeradaasi ayaa BBC u sheegay in gaajo ay u dhinteen dadka qaar ee ku nool xerada isla markaana ay dhibaato ka taagan tahay halkaas.
“Xaaladda barakacayaasha aad iyo aad bey dhib u qabaan, gaajo iyo saxariir bey qabaan, cunto la’aan, biyo la’aan…maalin walbo carruurta gaajo ay u dhimataa, hooyooyinka dhibaato xooggan ayay qabaan”