Post View....

Sidee ninkan saboolka ah ugu suuragashay inuu si lama filaan ah uu ku helo kumannan doolar?

0
112

Muddo lix bilood ah waxaa baadi goob loogu jiray ninki ku guuleystay bakhti nasiibka sanadlaha ah ee wakaaladda bakhti nasiibka ee dalka Itoobiya ay bixiso.

Agaasimaha xiriirka dadweynaha ee wakaaladda bakhti nasiibka ee dalka Itoobiya Tewedros Niway oo BBC u warramay ayaa sheegay ninka bakhti nasiibka ku guuleystay oo lagu magacaabo Kindee Asraat lix bilood kaddib inuu wakaaladda u keenay seddex tikidh oo ka mid ah ee tikidhada afarta ahaa ee bakhti nasiibka lagu muteysan lahaa.

Wuxuuna Kindee uu ku guuleystay 12 Malyan oo Birr oo lacagta waddanka Itoobiya ah oo u dhiganta ku dhawaad $300,000 oo doolar.

Kindee siduu ku ogaaday inuu bakhti nasiibka ku guuleystay?

Kindee wuxuu sheegay inuu baraha bulshada gaar ahaanna Facebook uu si aad ah uu u isticmaalo uuna ku arkay xayasiis lagu baadi goobaya qofka helay bakhti nasiibKindee ka koobaad ee sanadlaha ah.