
Jug weyn ayaa la maqlay Abaare 7:30 Fiidnimo Caawa ka hor inta aan salaada Cisha La aqimin,waxaana meelo badan laga maqlayey Dhawaaqa Qaraxaasi.
Badweyn ayaa ogaatay in Qaraxa uu ka dhacay Wadada Afafsiyooni Ee Degmada Waaberi,iyadoo lala eegtay Sargaal katirsan Madaxtooyada Soomaaliya.
Ilaa hadda Faah faahino badan lama hayo,Qaraxa kadib waxaa daba socotay Rasaas aan badenyn iyadoo markii dambe istaagtay waxaana ay umuuqatay mid ciidamada Amniga Fureen.
Nuuca Qaraxa ayaa lagu sheegay Miinada dhulka la geliyo,halka wararka qaar sheegayaan in Bambaanada gacanta laga tuuro aheyd.
Warar aan helnay ayaa sheegaya in Sargaal lagu magacaabo Korneel Cumar C/raxmaan Uu ka bad baaday Qorshahaasi lagu dili rabay oo miinada loo dhigay.
Gaadiidka Ambalaasta ayaa iyagoo Calaamada deg dega ah ushidan tahay waxay gaartay wax yar kadib Cusbitaalka Digfeer oo loo maleenayo in Qaraxa dad ku dhaawacmay ay siday.
NAGA FILO WIIXI SOO KORDHO INSHA ALLAAH