Post View....

Sacuudiga oo doonaya in Turkiga ay ka iibsadaan diyaaradaha drones-ka.

0
108

Madaxda Dalka Sacuudiga ayaa doonaya in ay dalka Turkiga ka iibsadaan qalab mileteri oo ay ka mid yihiin diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Drones-ka iyo agab kale oo ciidan.

Madaxweynaha dalka Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa sheegay in tallaabadaasi ay calaamad u noqon karto isu soo dhawaanshaha labada xukuumad ee iskaga soo horjeeda.

gobolka .

Xiriirka Ankara iyo Riyadh ayaa xumaaday tan iyo markii suxufiga Jamal Khashoggi lagu dilay qunsuliyada Sacuudiga ee magaalada Istanbul sanadkii 2018.

Riyaadh ayaa horey heshiis dhanka tiknoolajiyadda ah ula gashay shirkadda gaarka loo leeyahay ee Vestel ee laga leeyahay dalka Turkiga.

 

About Author