
Ha’yadda Qaramada Midoobey u qaabilsan arrimaha qaxootiga ee UNHCR
ayaa sheegtay in Kenya ay ha’yadda ku wargelisay qorshaha ay ku
dooneyso inay ku xirto xeryaha Dhadhaab iyo Kaakuma muddo gaaban
gudahood.
UNHCR waxay sheegtay in go’aankan uu saameyn ku yeelan doono dadka
qaxootiga ah ee ku nool Kenya xilli uu dunida saameeyay safmarka
Karoona.
Waxay intaas ku dartay inay sii wadi doonto wadahadalladan ay arrintan
kala yeelaneyso mas’uuliyiinta Kenya.
“UNHCR waxay taageero la garab taagan tahay dowladda Kenya gaar ahaa
in lasii xoojiyo howlaha socday si xal loo gaaro isla markaana la
qaddariyo dadka qaxootiga ah” ayaa lagu yiri bayaan kasoo baxay UNHCR.
Xigasho:BBC