Post View....

Kualanka Gabagabada Latashiga Dowlad Goboledyada Ee Qabyo Qoraalka Saddexaad Ee Dastuurka Oo Muqdisho Ka Furmay

0
159

Hay’adaha u xilsaaran dib-u-eegista dastuurka (Wasaaradda arrimaha
Dastuurka, Guddiga Lasocodka, iyo Guddiga Madaxa Bannaan ee Dib-u-eegista iyo Hirglinta Dastuurka) ayaaa maanta muqdisho ka daah furay kulanka gabagabada latashiga dowlad goboleedyada ee wax ka bedelka qabyo qoraalka saddexaad ee dib-u-eegista dastuurka.

Kulanka waxaa ka soo qayg galay wasiirada dastuurka dowlad goboleedyada iyo guddiyada dastuurka ee baarlamaanada dowlad goboleedyada.

Ugu horrayn, kulanka waxaa furay agaasimaha guud ee wasaaradda
arrimaha Dastuurka mudane Maxamed Abukar Zubayr oo ku hadlayay magaca
hay’adaha u xilsaaran dib-u-eegista dastuurka waxa uuna faahfaahiay ujeedada kulanka iyo muhiimadda kulankan la tashiga ah.

Agaasimaha ayaa sheegay in hay’adaha dastuurka ay ka soo shaqeeyeen
nuqulka sadddexad ee wax ka beddelka dastuurka iyagoo ku soo daray aragtiyihii ay ka dhiibteen dowlad goboleedyada nuqulkii labaad ee wax ka bedelka dastuurka, maantana ujeedadu tahay in ay arkaan nuqulka kama dambaysta ee si ay wax ugu daraan.

“Ujeedada shirka waa in dowlad goboleedyada ay aragtidooda kama
dambaysta ah ku daraan wax kabedelka nuqulka saddexaad ee dastuurka,
maadama horey latashiyo fara badan loola sameeyay dowlad goboleedyada,
kulankanna uu yahay kii gabagabada u ahaa latashiyadaaas” ayuu yiri agaasime Zubayr.

Agaasimaha ayaa intaa raaciyaya in hay’adaha dastuurka ay u gudbin
doonaan baarlamaanka 11’aad iyo xukuumadda soo socota si aysan waqti
kale ugu lumin dib-u-eegis cusub, maadama dib-u-eegista dastuuka ay soo jiitantay muddo kabadan 10 sano.

“Marka aan soo gabagabayno latashiyadan waxaa nuqulka saddexaad ee
kama dambaysta ah ay hay’adaha u xilsaaran dib-u-eegista dastuurka u
gudbin doonaan baarlamaanka 11’aad si uu dood uga yeesho una ansixiyo
wax ka bedelka dastuurka oo 90% la dhammaystiray, si aan waqti kale
loogu lumen dib-u-eegis cusub” Agaasime Zubeyr ayaa sidaa yiri.

Hay’adaha Dastuurka ayaa dadaal badan geliyay dhammaystirka dastuurka
iyagoo latashiyo ballaaran horey ula yeeshay qaybaha bulshada iyo siyaasadda muddadii afarta sano ee la soo dhaafay.

Waxka bedelka qabyo qoraalka saddexaad ee Dastuurka oo ay soo diyaariyeen ha’adaha dastuurka ayaa loo gudbin doonaa baarlamaanka 11aad si uu u ansixiyo.

About Author