Post View....

Muxuu ka dhigan yahay in shirka lagu qabto Xerada Xalane?

0
106

Iyadoo maalmaha soo socdo ay Magaalada Muqdisho shir ku yeelan doonaan Madaxda Dowladda Federaalka, Dowlad Goboleedyada iyo Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa waxaa soo baxaya warar sheegaya in shirka lagu qaban doono Xerada Xalane, oo ku dhex taala Garoonka Diyaaradaha ee Aadan Cadde.

Xalane waxaa degan oo ka hawlgala diblomaasiyiinta shiseeye, sidoo kalena waa saldhigga ugu weyn ee Hawlgalka Nabad Ilaalinta Midowga Afrika.

Prof. Afyare Cabdi Cilmi oo ka faallooda arrimaha Somaliya ayaa sheegay in dib u dhac weyn uu yahay, haddii shirka wadatashiga qaran lagu qabto Xerada Xalane.

“Waa dib u dhac weyn in shirka lagu qabto Xalane. Wax tartiib tartiib muddo dheer ku soo socotay oo marba meel laga soo durgayay, laba goor oo hore Xamar baa wax lagu qabtay, markaa waala wadahadlayay, Dhuusamareeb baa leeskugu tagay, Puntland baa leeskugu tagay, wadahadal oo toos ah ayaa Soomaalida siyaasiyiinteeda dhex maraayay. Maanta waxay timid meel ah maba wadahadli karno, haddaanan la helin koox 3aad oo na dhexgasha, oo ah bulshada caalamka.” Ayuu yiri Prof. Afyare Cabdi Cilmi oo la hadlay BBC.

Prof. Afyare Cabdi ayaa yiri “In maanta meeshaas ay arrinta timid waa dib u dhac, waxay kaloo dib u dhac ku tahay hay’adihii dowliga ahaa ee Soomaalida, oo dadka qaar ay ka aamin baxaan, qaarna ay u arkaan inay iyagu aaladeystaan, oo ay siyaasadoodu isticmaalaan, iyaduna waa dib u dhac weyn, waayo hay’aduhu waxay sharciyadda ka hellaan kalsoonida ay dadku siiyaan.”

Waxa kaloo uu yiri “Calaa-kuli-xaal in Xalane la tagay waa dib u dhac. Xalane macnaheeda hadda wax kale ma’aha, Somaliya uun buu ka tirsan yahay, laakiin hadda amnigeeda iyo cidda awoodeeda haysa waala ogyahay.”

Prof. Afyare ayaa ku waramaya, haddii aan horumar laga samayn xaaladda siyaasadeed ee dalka, in markaasi leesla taggi doono dal kale, isagoona madaxda kula taliyay inay xal u hellaan waxyaabaha ay isu hayaan.

“Marka waxa uun weli ka sokeynaa inaanan aadin caasimad kale oo dal kale ah, laakiin haddii wuxu sidaan ku socdaan waxaaba laga yaabaa in la gaaro, marka waxaa u roon Soomaalida inay hadda waxaan iska dedejiyaan, oo ay xaliyaan.” Ayuu yiri Prof. Afyare.

Shirkan ayaa la qisaayaa in uu ka duwanaan doono shirarkii hore, marka aad eegto goobta la hadalhayo in lagu qaban doono iyo suurtagalnimada in caalamka uu Madaxda Soomaalida ka hor istaaggo in iyagoo aan wax heshiis ahi gaarin ay shirkaasi ku kala taggaan.

 

About Author