Post View....

Midowga Afrika iyo Soomaaliya oo ka wada hadlay Xoojinta iskaashiga labada dhinac.

0
106

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Guddoomiyaha Midowga Afrika oo ka wada hadlay sare u qaadidda iskaashi wadaagga.

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud Abuubakar, ayaa kula kulmay Caasimadda Itoobiya ee Addis Ababa , Guddoomiyaha Midowga Afrika, Mudane Moussa Faki Mahamat, isagoo kala hadlay siyaabaha lagu xoojin karo iskaashiga u dhexeeya Soomaaliya iyo Ururka Midowga Afrika.

Intii kulanka lagu guda-jiray ayaa la isku dhaafsaday aragtiyo ku salaysan arrimaha qaaradda ee labada dhinac ay danaynayaan oo ay ku jirto deganaanshaha gobolka iyo dib-u-cusboonaysiinta muddo sharciyeedka Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM).

Wasiirka ayaa uga warbixiyay Guddoomiyaha Midowga Afrika xaaladda siyaasadeed iyo midda amni ee uu dalku haatan ku sugan yahay.

About Author