Post View....

Muqdisho: Qarax lala eegtay gaariga wacyigelinta Corona ee G/Banaadir.

0
97

Hal qof ayaa dhintay labo kalena way dhaawacmeen kadib markii uu qarax qabsaday gaari ay wateen shaqaalaha wacyigalinta cudurka COVID19 ee dawladda hoose ee magaalada Muqdisho.

Qaraxa ayaa ka dhacay meel aan sidaa uga fogeyn xarunta degmada Kaaraan, waxana gaariga ay wateen shaqaalaha wacyigalinta cudurka COVID19 ku xirnaa cod baahiyayaal dadka loogu sheegayo inay ka taxadaraan cudurka.

Illaa hadda cid sheegatay masuuliyadda qaraxa lala beegsaday shaqaalaha wacyigalinta cudurka COVID19 ma jirto.

About Author