Muqdisho:- Ra’iisal wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa ka tacsiyadeeyay geerida Alle ha u naxariistee Xildhibaan Maxamed Maxamuud Boonow oo ka tirsanaa mudanayaasha golaha shacabka.

Ra’iisal wasaare Rooble ayaa si gaar ah tacsi ugu diray Qoyskiisa, Asxaabtiisa iyo dhammaan ummadda Soomaaliyeed.

Wuxuuna ugu dambeyntii Alle uga baryay marxuumka inuu naxariistii Jano Alle ugu deeqo, Qaraabadiisana Samir iyo iimaan Alle ka siiyo.