Post View....

Midowga Musharaxiinta iyo Madaxda 2-Maamul Goboleed oo ku dhawaaqay Golle ay ku mideysan yihiin.

0
131

Wasiirka Arrimaha Gudaha Puntland Maxamed C/raxmaan Dhabancadde ayaa hadda akhriyay War-Saxaafadeed ay ku mideysan yihiin Madaxweynayaasha Puntland, Jubbaland, Guddoomiyaha Aqalka Sare iyo Midowga Musharraxiinta.

Waxaa sidoo kale lagu dhawaaqay Golaha Bad baadada Qaranka oo Guddomiye looga dhigay Guddomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdullaahi.

Golaha waxaa ku mideysan Madaxda maamulada Jubbaland, Puntland iyo Midowga Musharaxiinta.

Waxaa loogu tala galay in ay ka shaqeyaan hanaanka doorashooyinka dalka iyo sidii dalka horay loogu socodsiin lahaa maadaama dowladda dhexe ay ku fashilantay.

About Author