
Madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaam, ayaa sheegay inay Soomaaliya maanta ku socoto xaalad madow oo ka dhalatay inaysan wax doorasho ah socon waqigiina uu ka dhammaaday dowladii.
“Maanta waxaa taaganahay inaan la shirin, waxba la is weydiin, dalka yaa wax laga weydiinayaa, dhammaan meel baa lagu tuuray… Haddii ay na anfaceyso kelitalis iyo anaa maamulaya.., Soomaaliya dagaal sokeeye kama dhaceen..” ayuu yiri Axmed Madoobe oo sheegay inaan meel lagu gaareynin qolo gooni ah oo wax la cararto.
Wuxuu wax lala yaabo ku tilmaamay shirka Hotel Decale laga wado iyadoo waxba laga weydiin, Muqdishana uu ku sugan yahay 11 maamood, wuxuuna beesha Caalamka ugu baaqay inay qeybtooda ka qaataan isu keenista dalka oo aanay suuragal ahayn in ‘Anaa iri’ lagu maamulo.
Madaxweynaha Jubbaland ayaa adkeeyay in maanta uu dalku u baahan yaha in la daba qabto, ayna u yeerayaan inta ka maqan, iyadoo Madasha ay maanta ku dhawaaqeen uu sheegay inay tahay mid lagu doonayo in marxaladan looga gudbo.