Post View....

Maxaad ka taqaannaa qareennada Soomaaliya ku matalaya dacwadda badda ee ICJ?

0
125

Maxkamadda caalamiga ah ee Caddaaladda (ICJ) ayaa maalintii labaad dhageysaneysa dacwadda muranka badda ee u dhaxeysa Soomaaliya iyo Kenya, waxaana labada maalmood ee ugu horreysa fursadda la siiyay qareennada matalaya dowladda Soomaaliya.

Waxaa kiiskan ka maqan qareennada dhinaca Kenya kaddib markii xukuumadda Nairobi ay isaga baxday dacwadda, iyadoo arrimo dhowr ah u sababeysay.

Mid ka mid ah waa in Kenya ay maxkamadda ku eedeysay inaysan dhexdhexaad ka ahayn kiiska ku saabsan xad badeedka saddex xagalka ah ee uu cabirkiisu yahay 62,000 sq miles (160,000 sq km).

Soomaaliya oo hadda kaligeed dacwadda laga dhageysanayo waxaa u taagan ilaa shan gar yaqaan oo heer caalami ah oo difaacaya doodda Soomaaliya ee ku aaddan in badda ay iyadu leedahay. Sidoo kale waxaa jira qareenno kale oo ka qeyb qaadanaya caawinta Soomaaliya.