Qaar kamid ah shacabka ku nool waqooyiga Mandheera ayaa cabasho ka muujiyay go’aan uu maamulka deegaankaas ku joojiyay iibinta caanaha iyo hilibka xoolaha kadib markii uu halkaa ka dilaacay xanuunka Rift Valley Fever ee ku dhaca xoolaha.

Mas’uuliyiinta caafimaadka ayaa sheegay in go’aankaas ay qaateen kadib markii nin reer miyi ah oo sida la rumaysan yahay cunay hilib neef qaba xanuunkaas uu geeriyooday.

Dr Cali Nur Maxamed oo ah sarkaalka xannaanada xoolahau qaabilsan Mandheera ayaa BBC u sheegay in go’aankan uu ka dambeeyay kadib markii cudurka Riftvalley lagu arkay waqooyiga Mandheera.