Post View....

Maraykanka oo colaada Tigray ku sifeeyay “ciribtir qowmiyadeed”.

0
115

Xoghayaha arimaha dibedda ee Maraykanka, Antony Blinken, ayaa sheegay in “ciribtir qowmiyadeed” uu ka socdo Galbeedka Tigray, waxaana uu sheegay in xaaladda gobolkaas ay tahay mid aan la aqbali karin.

Blinken oo hortegay guddiga arimaha dibedda u qaabilsan Congress-ka ayaa sheegay in loo baahan yahay in gobolka Tigray laga saaro xooggaga Eritrea iyo kuwa deegaanka Amxaarada, laguna bedalo “ciidamo aan tacaddiyo ka geysan doonin gobolkaas.”

Xoghayaha ayaan faahfaahin waxa uu ula jeedo ciidankaas, iyadoo qaar kamid ah xubnaha guddiga ay weydiiyeen in loo baahan yahay in hawlgal nabad ilaalin ah loo diro gobolka Tigray.

“Dhibaatada ka taagan Itoobiya ayaa ah mid weyn. Si dhaw ayaan ula soconaa, gaar ahaan xaaladda Tigray, halkaas oo laga soo sheegay tacaddiyo baahsan oo ka dhan ah shacabka,” ayuu yiri Blinken.

Xoghayaha ayaa u sheegay guddiga in ra’iisal wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed, uu yahay hogaamiye dhiiragelin leh, loogana baahan yahay in shacabkiisa Tigray uu ka badbaadiyo dhibaatada haysata.

“Si weyn ayaan u fahansanahay walaaca uu ra’iisal wasaaraha ka qabo TPLF iyo ficillada ururkaas, balse lama aqbali karo xaaladda ka taagan Tigray, waana in wax laga bedalo,” ayuu sheegay Blinken.

Safiirka Maraykanka u fadhiya Addis Ababa, Geeta Pasi, ayaa lagu waday in Arbacadii shalay ahayd ay booqato gobolka Tigray.

Eritrea ayaa marar badan beenisay in ciidamadeeda ay qeyb ka yihiin colaadda Tigray, taasoo horraantii bishii November billaabatay kadib markii uu ra’iisal wasaare Abiy Axmed duulaan cir iyo dhul ah ku qaaday gobolkaas.

Xukuumadda Ethiopia ayaa garawsatay rabshado ka dhacay qeybo kamid ah Tigray, waxaana ay ballanqaaday inay u oggolaaneyso baarayaal caalami ah inay gaaraan gobolka.

Guddiga xuquuqda aadanaha Itoobiya ayaa billaabay baaritaano ku aaddan wararka sheegaya in dad rayid ah lagu laayay colaadda ka taagan Tigray.

 

About Author