Madaxweynaha Dowlada Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam, ayaa maanta kulan la qaatay Gudoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka JFS Mudane Cabdi xaashi Cabdullaahi.

Madaxweynahu wuxuu tan iyo markii uu soo gaaray Magaalada Muqdisho waday dadaal la xiriira arimaha Doorashada, isagoo kulamo la qaatay dhinacyada ay qusayso taas oo gogol xaar u ah shirka dhawaan ka dhici doona Magaalada Muqdisho.

Madoobe ayaa usheegay Cabdi Xaashi Cabdullaahi inuu yahay nabadoon islamarkaana mudan yahay in talada dalka wax laga weydiiyo.

Dhowr jeer oo hore Cabdi Xaashi waxa uu Madaxweyne Farmaajo ku eedeeyey inuu ku xad gudbay Dastuurka dalka u yaalla.