Post View....

Madxweynayaasha Deni iyo Axmed Madoobe oo aanan weli gaarin goobta shirka.

0
133

Waxaa shirka ka furmay teendhada ku taalla xerada Afisyooni ee Ciidamada Cirka Soomaaliya gaaray qaar kamid ah madaxda maamul goboleedyada, guddoomiyaha gobolka Banaadir, Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya.

Madaxweyneyaasha Hirshabeelle, Koonfur Galbeed iyo Galmudug ayaa ku sugan goobta uu ka dhacayo shirka maanta ka furmay Muqdisho ee looga hadlayo arrimaha doorashada.

Weli waxaa aanan goobta gaarin madaxweyneyaasha Jubaland iyo Puntland.

Labadan madaxweyne waxay horraan walaac ka muujiyeen ammaanka goobta shirka lagu qabanayo.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa guddoomiyay kulan hordhac u ah shirka.

About Author