
Shirkan ayaa maanta ka dhacaya garoonka ciidamada cirka ee Afisyooni ee magaalada Muqdisho.
Haddaba waxaa halka idiin kuugu soo gudbineynaa xog kooban oo ku saabsan goobta shirka lagu qabanyo.
- Teendhada ku taalla Afisyooni garoonka ciidamada cirka ee Afisyooni waxaa ka dhacday doorashadii 2017-kii lagu soo doortay madaxweyne Cabdullaahi Farmaajo, waana halka lagu caleemo saaray madaxweynaha.
- Waxaa horey halkan uga dhacay kulamo u dhexeeyay madaxda dowladda iyo kuwa maamul goboleedyada iyo shirar caalami ah.
- Waa goob amnigeedu si weyn loo ilaaliyo.
- Waxaana amniga gacanta ku hayaa ciidamada Amisom oo ku sugnaa halkaas tan iyo markii ay tageen Soomaaliya.
- Waxay ku taalla xerada Xalane saldhig u ah ciidamada nabad ilaalinta AMISOM, xafiisyada Qaramada Midoobay iyo safaaradaha wadamada reer Galbeedka qaarkood.