Post View....

Madaxweyne Geelle oo ka hadlay doorka haweenku ku leeyihiin ka qayb galka siyaasadda Jabuuti!

0
124

Madaxweynaha jamhuuriyada Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle, oo ka qayb galay dabaaldegga reer Jabuuti ee Maalinta Haweenka Adduunka ayaa sheegay in Dowladda Jabuuti hormarinteed ay kaalin wayn ka qaateen haweenka ku nool dalkaasi dhaca geeska qaarada Afrika.

Geelle ayaa boqolaal shacabka reer Jabuuti ah kala qayb galay xuska Maalinta Haweenka Adduunka waxa uuna ka hadlay kaalinta aan la dafiri karin ee haween reer Jabuuti.

“ Haddii aysan si buuxda oo adag uga go’nayn in ay wax ka qabtaan caqabadaha ka dhasha is-dhexgalka hufan ee ay ku leeyihiin dhammaan qaybaha dalkeenna, siyaasadda la bilaabay ee lagu xoojinayo xaaladdooda waxa ay ahaan lahayd warqad dhimatay “, ayuu yiri Madaxweynaha Jabuuti.

Xuska maalinta haweenka oo sanadkan lagu qabtay xarunta Ururka Haweenka Qaranka Jabuuti (UNDDF), ayaa taageero balaaran loogu muujiyay madaxweynaha Jubuuti oo ah musharax madaxweyne 4 sano ee soo socota ee dalkaasi.

“Maanta, waxaan ku faraxsanahay in muwaadiniinteennu, gaar ahaan gabdhaheen inta badan ay ku kala soocaan fasallada ugu sarreeya dugsiga, xirfado aad u fiiqan oo ay maalgashadaan dhammaan qaybaha xirfadeed ee waddankeenna, oo ay ku jiraan xirfadihii markii hore loo wareejiyay ragga sida ciidanka iyo difaaca ” ayuu ayuu u sheegay ka soo qayb galayaasha.

“ Waxaan si wax ku ool ah u bixinaynaa mushahar isku mid ah ragga iyo dumarka” ayuu yiri.

Madaxweynaha Geelle ayaa ku celiyay sida ay go’antahay “shaqooyinka haweenka aan walaalaha nahay si ay gacan uga geystaan gaaritaanka horumarka waara ee ay bulshadeenu si xalaal ah u dooneyso”.

 

About Author