Post View....

52 Sano kaddib suuragal ma tahay in Ciidanka XD ku lugyeesho Siyaasadda?

0
152

waxaa garoonka diyaaraha magaaladda Muqdisho ee caasimadda wadanka ka soo dagay ciidamo lagu soo tababarey dalka Turkiga. Ciidankaan oo si gaar ah u tababaran ayaa waxa ay ka tirsan yihiin guutada 15-aad ee Gorgor.

Ciidamada Gorgor iyo Harmacad ayaa ah kuwa ugu magac dheer ciidanka Soomaaliya xilligaan kuwaas oo xukumadda Ankara ay si gaar ah gacanta ugu hayso tan iyo tababarkooda, waxaana Turkigu ka midyahay wadamada qaybta ka qaata dib u dhiska ciidamada Soomaaliya.

Sidda ay ku doodayaan siyaasiyiinta ciidankaan ayaa laga weeciyay ujeedkii loo tababaray, waxaa loo isticmaaley in ay Jubbalnd ka qabsadaan gobol Gedo, dagaal lagu qaaday horaantii sanadkii 2020 hoggaankii Ahlusunna waljamaaca ee bartamaha Soomaaliya, weerar lagu qaaday madaxweyne-yaashii hore ee Soomaaliya iyo rasaas la huwiyay shacab iyo siyaasiyiin banaan bax nabadeed ka dhigayay Muqdisho 19 Feb-2021.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, hoggaamiyaha Xisbiga mucaaradka ah ee Wadajir ayaa sheegay in aysan dood ka taagnayn dhismaha ciidan qaran balse su’aashu tahay ujeedka loo adeegsanayo ciidanka loo tababaray Soomaaliya si ay amaanka ugula wareegaan howlgalka midowga Afrika ee AMISOM.

“Soomaaliya waxay lahayd mid ka mid ah ciidanka ugu xoogan Afrikada saxaraha ka hooseeysa. Wuxuu ciidankaas dumay markii uu rabitaan shakhsi ku shaqeeyey, sharci iyo dastuurna dhowri waayey. Waxay xasuuqeeen dad shacab ah, waxay burburiyeen deegaano Soomaaliyeed” ayuu yiri hoggaamiyaha Mucaaradka ah.

“Haddaba doodi kama taagna in Soomaliya ciidan yeelato, tababarkoodana gacan na la ka siiyo. Doodise waxay ka jirtaa ciidanku ma qof buu u shaqaynayaan mise qaran? Dastuurka miyuu u hogaansamayaa mise rabitaan shakhsi” ayuu isweysiiyay Mr Warsame.

Jariidada Washington Post ee fadhigeedu yahay Maraykanka ayaa ku warantay in sarkaal Mareykan ah oo diidey in magaciisa la adeegsado uu xaqiijiyay in Madaxweynaha mudo xileedkiisu dhamaaday Soomaaliya Maxamad Cabdulahi Farmaajo loo diidey in ciidamada Danab u isticmaalo ka hortaga mudaharaadyadii musharaxiinta mucaaradka ah ka dhigi lahaayeen Muqdisho.

Golaha Midowga Musharaxiinta qoraal u diray wadamada iyo Ururada daneeya arimaha Soomaaliya ayaa ku wargeliyey in ciidamada ay maal-geliyeen ee Soomaaliya laga soo weeciyey dagaalkii Al-Shabaab, loona adeegsanayo caburinta dibad-baxayaal nabadeed, iyaga oo xusay in Gorgor iyo Haramcad, oo Turkish-ka ay tababaray iyo Waran oo Mareykanka tababaray.

Maxay yihiin Ciidanka Turkiga Tababaray?

Gorgor:

Waa ciidan kamid ah xoogga dalka, Turkiga ayaa u tababaray Dowladda Soomaaliya,  tiradiisu waxa ay u dhaxeysaa 5kun ilaa 6kun, waxaana xarun u ah xerada Turksom oo ah saldhigga ee ciidan ee Turkigu ku leeyihiin meel ka baxsan dalkooda.

Tabarayaasha Turkiga ah ee ku sugan Muqdisho waxa ay kaalin ku leeyihiin howlgallada ay ciidamadani ka fuliyeen Waddanka iyaga oo mararka qaar taga goobaha howsha ka socoto.

Gorgor ciidan ahaan waxa uu hoos tagaa taliyaha ciidanka lugta Gen. Maxamed Tahliil Biixi oo si toos ah amarrada uga qaata Madaxweyne Farmaajo, inta la xasuusto waxa ay fuliyey saddex howlgal oo ka dhacay gobolka Gedo, Dhuusamreeb iyo weerarkii lagu qaaday madaxweynayaashii hore 19kii Febraayo 2021 oo kadhacay Muqdisho.

Haramcad:

Waa unug ka tirasan ciidanka Booliska  oo u howlgala sida Milateriga (Paramilitary Forces)  u tababaran  una qalabeysan si gaar, tiro ahaan waa 1000 ilaa 900 oo askari, tababarkooda waxa ay ku qaateen xerada Turksom ee Muqdisho iyo dalka Turkiga. Waxa ay si gaar ah u hoos tagaan madaxweyne Farmaajo, waxa ay fuliyeen tobannaan howlagal oo ka dhan ah siyaasiyiin iyo dad shacab ah oo ay tii ugu dambeysay ahayd cabburinta bannaanbaxii Muqdisho.

Dowladda Turkiga ayaa 6th March 2021,xero milateri ku wareejiyay Dowladda Faderaalka Soomaaliya gaar ahaan milatariga sida gaarka ah u tababaran ee Gorgor.

Xiriirka ka dhexeeya Turkiga iyo Soomaaliya oo ah mid taariikhiyan adag, waxa uu ka dhashay booqashadii rasmiga ahayd ee Madaxweynaha Turkey Recep Tayyip Erdogan sanadkii 2011 uu ku yimid magaaladda caasimadda ah ee Muqdisho, taasoo ka dhigtay xilligaas inuu yahay hoggaamiyaha kaliya ee aan Afrikaan ahayn ee booqda Soomaaliya muddo 20 sano ah.

Iskaashiga militariga ka sokow, labada dal waxa ay sidoo kale iska kaashadaan caafimaadka, waxbarashada, iyo dadaallada kale inkastoo dad badan ay rajo xumaadeen Turkey ka dib markii uu ku milmay loolanka Siyaasada gudaha wadanka.

Turkiga wuxuu dhisay iskuulo, isbitaalo iyo kaabayaasha dhaqaalaha, wuxuu kaloo soomaalida siiyay deeqo waxbarasho oo ay wax ku bartaan dalka Turkiga, hadana waxaa jira walaac ah in ciidanka uu u tababaray Soomaaliya loo adeegsaday caburinta siyaasiinta ka soo horjeeda siyaasada madaxweynaha mudo xileedkiisu dhamaaday ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

 

About Author