Post View....

Madaxweyne Farmaajo oo xalay kulamo la yeeshay Qaar ka mid ah Madaxda Maamul Goboleedyada dalka.

0
144

Waxaa xalay kulan gaar ah Xarunta Madaxtooyada ee Villa Soomaaliya ku yeeshay Madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xil-gaarsiinta & qaar kamid ah Madaxda dowlad Goboleedyada.

Shirka ayaa waxaa uu sigar ah u dhexmaray Farmaajo, Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xil-gaarsiinta & Madaxweynayaasha Dowlad Goboleedyada Galmudug, Koofur Galbeed, Hirshabelle iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir.

Warraka kulanka laga helay ayaa sheegay inay uga arrinsanayeen dhinacyada isku aragtida shirka Maanta ka dhacaya Teendhada Afisyooni ee dhex-mari doona Madaxda dowladda, dowlad Goboleedyada & Gobolka Banaadir.

Wararka ayaa sheegaya in markii dambe uu shirka gadaal kaga soo biiray Taliyaha Hay’adda NISA Fahad Yaasiin oo la rumeysan yahay inuu si weyn ugu lug leeyahay arrimaha siyaasadda.

Dhowr jeer oo hore ayaa sidaan oo kale waxaa shirar gaar gaar ah yeeshay Madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Madaxda dowlad Goboleedyada taageersan, iyaga oo uga tashanayay arrimo dhowr ah.

About Author