Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdillahi Deni oo waraysi gaar ah siiyay laanta Afka Soomaaliga ee BBC-da, ayaa sheegay in aanay war u heyn shirka berito la sheegay inuu ka furmayo teendho ku taalla garoonka ciidamada cirka ee Afisyooni ee magaalada Muqdisho, kaas oo looga hadlayo khilaafka ka taagan doorashada Soomaaliya.

Madaxweyne Deni ayaa ku adkeystay in khilaafka doorashada ka taagan ka hor laga hadlo arinta ciidamada oo uu sheegay inay si gaara u isticmaalayaan madaxda Dawladda Federaalka, wuxuuna ku eedeeyay in xalay illaa saaka ay ciidamo dheeraada soo dhoobeen aagga uu ku yaalo garoonka Aden Cadde oo ay iyagu dagan yihiin.

Wixii Deni u qabsoomay intii uu Muqdisho joogay

Labada madaxweyne ee maamul Goboleedyada Puntland iyo Jubbaland ayaa ku sugan Muqdisho, waxayna labadoodaba dhaliileen dowladda Federaalka ee Soomaaliya.