Post View....

Madaxweyne Farmaajo Oo Istaraatiijiyad Uu Damacsan Yahay La Kashifay

0
113

Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame Ayaa banaanka soo dhigay sir la qarinayey oo ku aadan Qorshe uu damacsan yahay Madaxweyne Farmaajo.

HOOS KA AKHRISO QORAALKA CABDIRAXMAAN C/SHAKUUR

Waxaan xog sugan ku helaynaa in Ciidanka Xoogga Dalka (CXD) loo kala qeybinayo kuwo daacad u ah madaxweynaha xilkiisa dhamaaday iyo kuwo shaki laga qabo daacadnimadooda taliyaha ciidanka Generaal Odawaa taliyaha ciidanka lugta Biixi ayaa  shaqadaas ku hawlan.

Ciidanka lagu tuhunsan yahay in aysan daacadda aheyn ayaa loo dirayaa furamaha dagaalka ee kooxaha argagexisada, halka kuwa la hubiyey daacadnimadooda loo diyaarinayo boobka doorashooyinka iyo weerarro lagu qaado siyaasiyiinta mucaaradka.

Waxaan uga digeynaa taliyaha ciidanka in uusan horseedin burburka ciidanka, kana saaro ku milanka siyaasada, waana in uu ogaadaa in waa lay amray aysan luquntiisa ka saari doonin danbiyada uu galo.

 

About Author