MUQDISHO:-Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya ayaa warbixinta maalinlaha ah Cudurka Covid-19 ee dalka waxaa ay ku sheegtay in saacadihii lasoo dhaafay la diiwaan-geliyay 109 oo kiisas cusub ah.

Warbixinta Wasaaradda ayaa lagu caddeeyay in xaaladaha cusub laga diiwaangeliyay Gobalka Banaadir 14, Soomaalilaan 52, Jubbalaand 8, GalMudug 2, Koonfur Galbeed 32 iyo HirShabeelle oo 1 qof ah.

Bukaannada xanuunka laga helay ayay wasaaraddu sheegtay in 68 ka mid ah ay rag yihiin halka 41 ka kalena ay dumar yihiin.

Saacadihii ugu dambeeyay Cudurka Covid-19 waxaa magaalada Muqdisho ugu geeriyooday 2 qof, Soomalilaan 2 qof iyo Koonfur Galbeed oo 2 qof, waxaana dadkaas ay kamid ahaayeen dhammaantood dad uu horey ugu dhacay Cudurka.

Tirada xaaladaha Covid-19 guud dalka Soomaaliya laga diiwaan-geliyay ayaa haatan gaartay 9,437 waxaa bogsootay 4,306 Ruux. guud ahaan 385 ruux oo kale ayaa u geeriyootay.

Wasaaradda ayaa bulshada Soomaaliyeed u dirtay farriin wacyi gelin ah oo ay ku dareensiinayso halista xanuunka iyo u hoggaansanka talooyinka caafimaad.