Madaxweynaha Puntland Siciid C/llaahi Deni oo lagu weday in maalmaha soo socda uu soo gaaro magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya ayaa war laga soo saaray.

Warar lagu kalsoonaan karo ayaa sheegaya in madaxweynaha Puntland Siciid C/llaahi Deni iyo wefdi ballaaran oo uu hoggaaminayo saacadaha soo socda ay soo gaari doonaan magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha Puntland Siciid C/llaahi Deni ayaa ka qeyb-gelaya shirka madaxda dowladda,dowlad gobaleedyada iyo gobolka Banaadir,kaas oo lagu wado in uu qabsoomo maalmaha soo socda.

Shirka madaxda dowladda,dowlad gobaleedyada iyo gobolka Banaadir oo lagu weday in uu furmo maalma ka horay ayaa dib u dhac ku yimid sababo la xiriira madaxweynaha Puntland iyo qaar kale oo ka mid ah madaxda maamul gobaleeyada oo iyaguna ka maqan Muqdisho.